1038 Views

-Wasiir Sabriye oo faah faahiyay sababta uu u furmi la’yahay Shirka Dhuusamareeb

-Wasiir Sabriye oo faah faahiyay sababta uu u furmi la’yahay Shirka Dhuusamareeb
____________________________________________________________________________

muqdisho | QOL | Ogoosto 29, 2019 –Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Eng. Cabdi Maxamed Sabriye oo kulan la qaatay ganacsatada magaalada Dhuusamareeb ayaa ka hadlay qorshaha furitaanka shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug, ee loogu diyaar garoobayo dhisamaha Galmudug loo dhanyahay.

 

Eng. Cabdi Maxamed Sabriye ayaa sheegay in shirka inta uu socdo si wayn looga wada xaajoon doono dhimaha hey’adaha dowladeed ee Galmudug si dhammaan reer Galmudug ay u helaan adeegyada dowladeed ee ay u baahanyihiin ayna ula tartamaan dowlad gobaleedyada kale ee dalka.

 

Waxaa uu hadalkisa intaasi ku daray Wasiirka in iyaga qorshohoodu uu ahaa in Shirka si dhaqsa leh uu ku furmo si ergooyinka maqan ay u soo deg degaan,hayeeshee shirka uu dib u dhigay dhaq dhaqaaqii iyo kala shakigii ka dhacay Magalada Dhuusamareeb.

 

Wasiirka ayaa caddeeyay in wasaaradda arrimaha gudaha ay si caddaalad ah ay u gudaneyso mas’uuliyadda ka saaran ka mira dhalinta shirka iyo dhammaan howlaha la xariira dhidibba u taagidda  Galmudug Dhammeys ah.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment