876 Views

Madaxweyne Salva Kiir oo kala diray baarlamaanka dalkaas

Madaxweyne Salva Kiir oo kala diray baarlamaanka dalkaas
____________________________________________________________________________

 May 9 2021

Madaxweynaha Suudaanta Konfureed Salva Kiir ayaa kala diray baarlamaanka dalkaas si loo soo magacaabo xildhibaanno ka tirsan mucaaradka.

Ururada bulshada rayidka iyo dadka u doodo xuquuqul insaanka ayaa sheegay in go’aankan in muddo laga dhuur sugayay.

Heshiis nabadeed oo saddex sano ka hor ay dowladda iyo mucaaradka galeen ayaa dhigayay in afar meelood meel xildhibaanada lasoo magacaabayo ay kasoo jeedaan mucaaradka u hoggaamiyo Riek Machar.

Halka inta badan xildhibaanada lasoo magacaabayo ay noqon doonaan kuwa ka tirsan xisbiga haya talada ee SPLM.

Xildhibaanada waxaa soo xushaa xisbiyada kala duwan ee dalkaas.

Dagaalkii ka dhacay South Sudan sanadkii 2013-kii, waxaa ku dhintay ugu yaraan 380,000 qof halka malaayiin qofna ay ka qaxeen guryahooda.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post