1032 Views

Mareykanka oo walaac ka muujiyay xiisadda ka taagan gobolka Tigray

Mareykanka oo walaac ka muujiyay xiisadda ka taagan gobolka Tigray
____________________________________________________________________________

April 27-2021

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Anthony Blinken ayaa sheegay inuu wali si weyn uga walaacsan yahay xiisadda ka taagan gobolka ku yaalla woqooyiga Itoobiya ee Tigray.

Hadalkiisa ayaa yimid kadib wadahadal uu la yeeshay raiisul wasaare Abiy Ahmed, kaas oo uu xoghayaha ugu yeeray dhammaan dhinacyada ku lugta leh isku dhaca inay si deg deg ah u joojiyaan colaadda.

Wuxuu kaloo sheegay joogitaanka ciidamada Eriteriya iyo xoogaga Amxaarada ee gobolka Tigreega inay gacan ka geysaneyso dhibaatada arimaha bani’aadannimada.

Dowladda Itoobiya ayaan weli wax war ah ka soo saarin baaqan

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post