1128 Views

Amarro laga soo saaray amniga Magaalada Jowhar

Amarro laga soo saaray amniga Magaalada Jowhar
____________________________________________________________________________


Mogadisho | QOL |  September 20 2020
—Maamulka Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hir-Shabeelle ayaa waxaa ay soo saareen ammaro la xiriira dhinaca Amniga, kuwaas oo ku socda Guud ahaan Shacbaka ku nool Magaalada Jowhar.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Guddoomiyaha maamulka Degmada Jowhar Cismaan Maxamed Muqtaar Baarey ayaa waxaa lagu amray Dhamaaan milkiilayaasha Guryaha magalada jowhar in ay iska soo diiwaan geliyaaan Xafiisyada Afarta Waaxood Dadka guryahooda kirida ugu jiraan ama laga kireyn Rabo.

Sidoo kale Milkiilayaasha Hoteelada waxaa la faray in ay la soo xariiraan cid kasta oo hotalada soo degta hey’adaha Amniga ee ka howlgalla Magaalada Jowhar si loola socdo dhaq dhaqaaqooda.

Ugu dambeyn Qoraalka Gudoomiyaha ayaa waxaa lagu sheegay in cid kasta oo aan wadan warqadda laamaha Amniga in aan guryo iyo Hoteelada midna aan laga kireyn karin.

Amarkaan dhanka Amniga la xiriira ee kasoo baxay Maamulka Magaalada Jowhar ayaa waxaa uu daba socdaa, kadib markii falal amni darro ay ka dhaceen Magaaladaas, isla markaana muddo bil Gudaheed ah lagu dilay laba kamid ahaa Golaha Wasiirada Hir-Shabeelle.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  ______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post