468 Views

Venezuela oo bilaabeysa dhoofinta shidaalka kadib cunaqabateyno in muddo ah saarnaa

Venezuela oo bilaabeysa dhoofinta shidaalka kadib cunaqabateyno in muddo ah saarnaa
____________________________________________________________________________

Sabti: June 18, 2022

 

Shixnad 650,000 oo fuusto ah oo saliid ahcayriinka ayaa lafilayaa inay u shiraacdo Yurub tani oo ah dhoofintii ugu horreysay ee saliida ceyriinka ah oo laga dhoofiyo Venuezuela tan iyo markii uu Mareykanka kusoo ragay cunuqabateynta.

Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa warqado u diray shsirkadaha Eni iyo Repsol ee Isbaanishka ah (REP.MC) bishii Maajo iyagoo u oggolaanaya inay dib u bilaabaan soo dhoofinta shidaalka ceyriinka ah ee Venezuela si ay u isaga bixiyaan balaayiin doolar oo deyn ah oo aan la bixin iyo saami qaybsiga ay ku leeyihiin wadanka Venezuela ee xubinta ka ah OPEC.

Booyad labaad oo ay kiraysteen shirkada Eni, oo ah nooca maraakiibta xamuulka qaada ee aadka u weyn (VLCC) Pantanassa, ayaa hadda u socdaalaya dhanka Venezuela waxaana la filayaa inuu soo qaado 2 milyan oo foosto oo saliid cayriin ah, una qaado Yurub, sida laga soo xigtay Xogta Eikon iyo dukumeenti dhoofin ah oo ay aragtay wakaalada wararka ee Reuters.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post