351 Views

Christeano Ronaldo “Ma aha gabagabadi himilideyda dhanka ciyaaraha oo aan ku imid South Afrika,” Ronaldo oo isku khalday Saudi Arabia iyo South Korea

Christeano Ronaldo  “Ma aha gabagabadi himilideyda dhanka ciyaaraha oo aan ku imid South Afrika,” Ronaldo oo isku khalday Saudi Arabia iyo South Korea
____________________________________________________________________________

Arbaco: January 4, 2023

Christeano Ronaldo ayaa Sacuudi Carabiya ku qabtay shirkiisa Jaraa’id ee ugu horreeyey tani iyo marki uu ku biiray naadiga Al Nassr.

Xiddigga kubadda cagta Ronaldo ayaa si lama filaan ah magaca waddanka soo dhaweeyey u khalday wuxuuna yiri:

“Ma aha gabagabadi himilideyda dhanka ciyaaraha oo aan ku imid South Afrika,” hadalkaasi oo loo arkay mid si ku talagal uu u dhihin balse carrabka uu ka boobay.

Mas’uuliyiinti Sacuudiga ee ku sugneyd goobta uu Ronaldo shirka jaraa’id uu ku qabanayey oo uu ku khalday magaca Sacuudi Carabiya iskuma dayin iney saxaan iyaga oo ilaalinaya teegaarayaasha Ronaldo ee Sacuudiga ku sugan.

Hase yeeshee dalka Koonfur Afrika uu Ronaldo sida khaldan ugu dhawaaqay taageerayaashiisa dalka South Afrika waxay ku abuurtay rajo ah inuu mar un u ciyaaro mid ka mid ah kooxaha ka jira dalka Koonfur Afrika ka ciyaaro.

Ronaldo ayaa naadiga Al Nassr sanadki ka qaadanaya mushaar dhan $200 oo malyan oo doolar, taasoo ka dhigeyso ciyaartooyga lacagta ugu badan sanadki qaata ee kubbad ciyaaro.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post