1212 Views

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Cafis u fidiyay Maxaabiis

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Cafis u fidiyay Maxaabiis
____________________________________________________________________________

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) ayaa Maanta waxaa munaasabadda Maalmaha Ciida Aawgeed uu cafis u fidiyay Maxaabiis ku eedeysnaa dambiyo kala duwan.

Maxaabiista oo gaareeysa ilaa 10 rag ah  ayaa waxaa Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Cabdi casiis laftagareen lagu sheegay in tallabadaan la qaaday kadib talo soo jeedinta Hay’addaha Garsoorka kuna saabsan in cafis loo fidiyo Maxaabiista ku xiran Xabsiga dhexe ee degmada Baydhabo.

Hoos Ka Akhriso Magacyada Maxaabiiska Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu cafiska u fidiyay.

  1. Maxamed Yuusuf ibrahim Ina Nishey Xasan Meyow

2 Tbraahim Xuseen Maxamed Ina Faduma Cabdi Maxamed

  • Ismacil Cabdi Cali Ina Fadumo Adan Isman
  • Cabdulahi Warsame Cali Ina Amino Cabdulahi
  • Shariif Cabdi Maxamed Ina Fadumo Maxamed Ibrahim
  • Maxamed Cabdi ljaabooy Ina Mirow Cabdiraxamarn Adan
  • Cabdirashiid Cabdiqadir Cabdulahi Ina Nuuriyo Adan KeeroW
  • Faysal Nuradin Yusuf Ina Fadumo Maxamed Doyow
  • Maxamed Yusuf Maxamed Ina Kaltumo Sheekh Maxamed
  • Xasan Maxamed saq Ina Isha Cali Ibrahim

Qaar kamid ah Madaxda kale ee dowlad Goboleedyada ayaa waxaa la filayaa in saacadaha soo socda dhankooda ay cafsi u fidiyaan qaar kamid ah Maxaabiista ku xiran Xabsiyada degaannada ay maamulaan.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post