1026 Views

Dowladda Turkiga oo xero militeri lagu tababaro Ciidamada GorGor ku Wareejisay Wasaaradda gaashaandhigga

Dowladda Turkiga oo xero militeri lagu  tababaro Ciidamada GorGor ku Wareejisay Wasaaradda gaashaandhigga
____________________________________________________________________________

7-da Marso 2021

Dowladda Turkiga ayaa xero militeri ku wareejisay dowladda Soomaaliya, gaar ahaan militeriga ay tababareen ee GorGor, sida lagu baahiyey bogga twitter-ka ee wasaaradda gaashaandhigga ee dalka Turkiga.

Wareejinta saldhiggan waxaa lagu sheegay qoraalka wasaaradda gaashaandhigga Turkiga inuu fursad hor leh siinayo dib u dhiska ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya.

“Iyadoo qayb ka ah dib u habeynta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, xarumihii waqooyiga – xarumihii 1-aad ee Turkigu ka dhisay Muqdisho, waxaa lagu wareejiyay mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalkan oo lagu baahiyey bogga twitterka ee wasaaradda gaashaandhigga dalka Turkiga.

Xeradaan militeri ee Turkigu ku wareejiyey dowladda Soomaaliya sida ku cad qoraalkan waa tii koowaad oo ay ka dhisteen Soomaaliya, waxayna ka soo hor jeeda tan hadda ay ciidmada Soomaaliya ku tababaraan Turkisom oo ku taalla inta u dhaxeysa xeebta Jaziira iyo caasimadda Muqdisho.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post