672 Views

Amb Daahir Geelle”Madaxweyne waxaa lagaa sugayaa inaad caddeyso xaqiiqada qaddiyadda Badda”

Amb Daahir Geelle”Madaxweyne waxaa lagaa sugayaa inaad caddeyso xaqiiqada qaddiyadda Badda”
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | May 21 2020–Amb, Daahir Maxamuud Geelle Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ahna musharax Madaxweyne 2021 ayaa si kulul uga hadlay Dacwadda Muranka badda ee Soomaaliya iyo Kenya u dhaxeeya ee Saddexda jeer Maxkamadda ICJ ay dib u dhigtay qaadista kiiskaas.

Qoraal dheer oo uu soo saaray Amb, Daahir Maxamuud Geelle ayaa waxaa uu ku acadeeyey in dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo aysan jirin wax tallaabo ah oo ay u qaaday arrimaha la xiriira dacwadda baddeenna ay Kenya nagu haysato.

Madaxweyne Farmaajo ayuu ugu baaqay in Shacabka Soomaaliyeed ay ka sugayaan in uu u cadeeyo xaqiiqda qaddiyadda badda maadaama Saddexda jeer la tixgeliyay Codsiga Kenya ee dib u dhigista dhageysiga Kiiska Badda.

Hoos Ka Akhriso Qoraalka uu soo saaray Amb, Daahir Maxamuud Geelle.

Dowladdu waxay caayeysaa garaadka dadkeenna. 3 jeer ayaa dib loo dhigay dacwadda baddeenna ay Kenya nagu haysato.

Si kale haddii loo dhigo, ma jirto hal tallaabo oo horay loo qaaday oo arrintaas la xiriirta tan iyo intii ay dowladda jirtaahi talada qabatay.

Taas baddelkeeda waxaa loo nuglaaday Kenya oo mar walba rabitaankeeda la tix gelinayay.
Saddexda jeer ee dacwadda dib loo dhigay waxay ku dhacday codsiga Kenya.
Dowladdu waxay sheegeysay in ay diiddan tahay dib u dhigistaas, mase jirin wax caddeynaya in ay diiddan tahay.

Daahfurnaanta arrintani aad ayay u yarayd walina u yartahay waxaana ku gedaaman shaki iyo mugdi badan.

Waxaa muuqata in xukuumaddu arrinta badda u adeegsatay dicaayad iyo in ay isu muujiso in ay shaqo fiican hayso, balse wax kasta oo ay sameysay waxay dhalinayaan shaki weyn.

Dadkii faylkan gacanta ku hayay waa la kala diray sida Xeer Ilaaliyihii guud iyo qareennadii Soomaaliyeed ee kartida lahaa. Bulshada lalama wadaagin dadkii lagu baddelay, ka qeyb galkii bulshada rayidka ah iyo aqoonyahanka Soomaaliyeed waa la joojiyay, mana jirto xog shacabka lala wadaagay oo ku saabsan kiiskan.

Shacabka Soomaaliyeed waa ka garaad badan yahay in loo been guuro oo hadba loo sheego sheeko darfo go’an.

Qaddiyadda baddu way ka weyn tahay wax ay madaxdu isku koobaan. Waa masiir ummadeed oo ay shacabka oo dhami u dheg taagayaan.
Mudane Madaxweyne,

Dadka Soomaaliyeed waxay kaa filayaan dhiirranaan iyo daahfurnaan intaan ka badan iyo in aad u caddeyso xaqiiqda qaddiyadda badda.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment