1053 Views

kulamo iska soo horjeeda oo ka dhacay Dhuusamareeb

kulamo iska soo horjeeda oo ka dhacay Dhuusamareeb
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October-24–2019 –Waxaa Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug kulamo iska soo hojeeda xalay ku yeeshay Xubnaha Guddiga doorashada Galmudug oo ay Magacaawday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya iyo Xubnaha Guddiga uu Magacaabey Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Xubnaha Guddiga Sheekh Shaakir uu Magacaabey ayaa kulanka uu la qaatay waxaa uu kala hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan doorashada Galmudug iyo sida ay u soo xuli lahaayeen Xildhibannada Cusub ee Galmudug.

Madaxa Xukuumadda Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa sheegay inay ku dadaali doonaan in Glmudug loo dhiso maamul ay dadkeeda u dhan yihiin,isla markaana laga Aas’aaso Magaalada Dhuusamareeb,waxaana uu ugu baaqay inay dowladda Soomaaliya garab istaagto.

Dhinaca kale waxaa xalay kulan isugu yimid Xubnaha Guddiga doorashada Galmudug oo ay Magacaawday Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo qaar kamid ah bulshada Dhuusamareeb,waxaana kulanka uu ahaa mid Guddiga lagu taageerayay.

Cabduqaadir Nuur Caraale oo kamid ah Xubnaha Guddiga Magacaawday Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegay in guddigooda uu si cadaalad ah ugu Shaqeyn doono Bulshada Galmudug,isla markaana xildhibaannada ay kusoo xuli doonaan qofkii buuxiya Shuruudaha.

Galmudug ayaa xilligaan u muuqata mid galeysa khilaaf horleh oo u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo hoggaanka Ahlusunna oo sheegay in Dowladda uga baxday balamihii ay la gashay Ahlusunna Wal-Jamaaca.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment