1437 Views

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay Qaxootiga ku tabaalaysan Yemen

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay Qaxootiga ku tabaalaysan Yemen
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 14da Maarso, 2021–Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Yemen ayaa  sheegay in boqollaal qaxooti ah Soomaali ah dalkooda hooyo dib loogu soo celin doono dhammaadka bishaan aynu ku jirno ee Maarso.

Waxaa uu sheegay in dhibaatooyin dhanka nolosha ah ay heystaan dadka Soomaaliyeed ee halkaasi kunool.

Danjire Cabdullaahi Xaashi Shuuriye ayaa sheegay in ay dedaal badan ugu jiraan sidii dadka Soomaalida ah ay uga badbaadi lahaayeen dhibaatada ka aloosan dalkaas.

Yemen ayaa sanadihii ugu dambeeyay waxaa ka jiray colaad sokeeye oo meelaha qaar dadku ay wajahaan xaalado culus, iyadoo dadka halkaas qaxootiga ku ahna ay xaaladdahaas adag usii nugul yihiin.

Hadalka danjiraha ayaa imanaya xilli todobaadkii hore ay tobannaan qof ku dhinteen xero lagu hayay dad muhaajiriin ah

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post