1095 Views

Maxkamadeynta Askar loo heysto dilal oo bilaabatay

Maxkamadeynta Askar loo heysto dilal oo bilaabatay
____________________________________________________________________________

Maxkamada Darajada, Kowaad ee Ciidamada Qalabka sida Qeybta 27aad  ayaa Maanta Bilowday, Dhagaysiga Dacwada Eedaysanayaasha kala ah, Cabdiqaadir Farax Dhaqane ( Nuune ) iyo Maxamuud Xuseen Faarax ( Jacaloow ) oo ka tirsan Ciidamada, Dowladda ee Degmada Baladxaawo ,kuwaasi oo bilo ka hor kala, Dilay, Saadaam Diiriye ibraahin, Mowliid Baashi Cumar oo kamid ahaa ADhaliyarada Baladxaawo

Dhagaysiga Dacwada ayaa waxaa Goobjoog ah, Taliyaasha, Ciidamada Heer Dowlad Goboleed, Kuwa Gobolka Gedo, sida Booliska Nabad Sugida, Saraakiil kale,  Maamulka Gobolka Gedo, Qaar Ka Mid Ah, Ururada Bulshada, Ehelada labada Marxuum,

Xeer ilaalinta maxkamadda Ciidamada qalabka sida qeybta 27aad ayaa soo bandhigtay Cadaymo, isugu Jiray, Qoraal, Sawiro, iyo Qoryihii lagu Dilay Labada Marxuum.

Dood Dheer ka dib, ayay Gabagabadii  Saraakiisha Maxkamada Sheegeen in ay sii socon doonto  Maxkamadeynta Maalmaha soo socdo, loona baahan yahay in la soo dhameystiro cadaymo kale oo ka dhiman Gal Dacwadeedka.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post