126 Views

Itoobiya oo difaacday is-afgaradka Somaliland, iyo IGAD oo war soo saartay

Itoobiya oo difaacday is-afgaradka Somaliland, iyo IGAD oo war soo saartay
____________________________________________________________________________

ADDIS ABABA — Dowladda Itoobiya ayaa difaacday is-afgaradka ay la gaadhay Somaliland, kaasi oo Somaliland ay ku sheegtay inay marin-badeed 20 km ah kaga kiraynayso Itoobiya muddo 50 sano ah, halka Itoobiya ay Somailand u fidinayso aqoonsi, sida uu sheegay madaxwyenaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi Cabdi.

Dawladda Soomaaliya ayaa is-afgaradka ku tilmaantay mid xadgudub ku ah qarannimada iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, waxaana Soomaaliya ay u yeeratay safiirkeedii Itoobiya.

La-taliyaha amniga qaranka ee Ra’iisul Wasaaraha Itaoobiya Redwan Xuseen ayaa ku sheegay bartiisa X in in is-afgaradku yahay “tallaabo loo qaaday jihada saxda ah.”

Waxa uu sheegay in dawladda federaalka Itoobiya is-afgaradka ay la gaadhay Somaliland uu u gogolxaarayo inay Itoobiya hesho saldhig milatari oo ay ka kiraysato Somaliland.

Sidoo kale, waxaa is-afgaradka difaacay Wasiirka Arirmaha Dibedda ee Somaliland Dr Ciise Kayd Maxamuud oo waraysi uu siiyey VOA ku sheegay in is-afaragadku uu dhigayo in Somaliland ay aqoosni ka hesho Itoobiya. Wasiirka ayaa ku eedeeyey dowladda Soomaaliya inay kasoo horjeedo horumarka Somaliland.

Dhinaca kalena, urur-goboleedka IGAD ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay maanta in xoghayaha guud ee ururkaasi Workneh Gebeyehu inuu aad uga walaacsan yahay wararka kasoo kordhay xiriirka Soomaaliya Itoobiya, waxaana uu ugu baaqay labada waddan inay xaaladda ku xalliyana si nabad ah oo ay is-afgarad leh.

Dawladda Soomaaliya ayaa goor dhowayd soo saartay war ay kaga jawaabayso hadalka kasoo baxay xoghayaha guud ee ururka IGAD oo ay ku tilmaantay mid dhinac u janjeera.

Dawladda Soomaaliya ayaa war-saxaafadeedka ay soo saartay ugu baaqay Gebeyehu inuu raalli ka bixiyo warka kasoo baxay oo ay ku eedaysay inuu u janjeero dhinaca Itoobiya, islamarkaana uu ka la laabto.

Xigasho: VOA

______________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post