402 Views

R/W Rooble “Waxaan ku boorinayaa Dowlad Goboleedyada in doorashada ay si deg deg ah usoo gebagabeeyaan.

R/W Rooble “Waxaan ku boorinayaa Dowlad Goboleedyada in doorashada ay si deg deg ah usoo gebagabeeyaan.
____________________________________________________________________________


Isniinfebruary 21, 2022

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galay gebogebada doorashada xildhibaannada labada aqal ee dalka ku matalaya Gobollada Woqooyi.

Ra’iisul wasaaraha ayaa ugu horeeyntii  u  hambalyeeyay xildhibaannada cusub ee Gobolada waqooyi ee lagu doortay Magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale  ku ammaanay guddiyada doorashada Somaliland (SEIT) iyo Heer Federaal howsha adag ay qabteen iyo in ay doorashada ku soo dhammeeyeen ka hor xilligii loo asteeyay.

Ra’iisul wasaaraha ayaa ugu danbeeyntii dowlad-goboleedyada ku boorriyay  inay doorashada xildhibaannad deg deg u soo gebagabeeyaan.

Guddiga maamulaya doorashada labada aqal ee gobalada Waqooyi ayaa maanta soo gaba-gabeeyay doorashada iyadoo aan la gaarin waqtigii loo qabtay in lagu dhameeyo doorashada Golaha Shacabka ee BS.

Guddiga ayaa hergeliyay in la qabto doorashada 57 xubnood oo ka kooban wadarta 2-da Aqal ee Soomaaliland, waana maamulkii iyo guddigii ugu horreeyay ee ka dhamaada doorashadii ooo xilsaaray.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post