909 Views

Madaxa NATO oo sheegay in isbaheysigu ku mideysan yihiin taageerista Ukraine

Madaxa NATO oo sheegay in isbaheysigu ku mideysan yihiin taageerista Ukraine
____________________________________________________________________________

Arbaco: March 16, 2022

Xoghayaha guud ee gaashaanbuurta NATO, Jens Stoltenberg, ayaa u sheegay shir ay ku yeesheen magaalada Brussels, in isbaheysigu uu weli ka mideysan yihiin taageerada dalka Ukraine.

Kulankii ugu horeeyey tan iyo markii Ruushku bilaabey duullaanka uu ku qaadey dalka dariskiisa ah ee Ukraine, Stoltenberg waxa uu sheegay in hoggaamiyeyaasha Reer Galbeedku ay siiyeen taageero military, oo aad u tiro badna maamulka Kyiv, iyagoo balan qaadey iney sii wadi doonaan taageeradaas.

Xoghayaha ayaa intaa ku darey in caalamku uu cambaareynayo dagaalka aan macnaha laheyn ee ka socda Ukraine.

Xulafada NATO iyo bah wadaagtooda ayaa kusoo rogaya cuna qabateyn aan horey loo arag Ruushka, iyadoo mar kale ay caddeeyeen isbaheysigu iney garab taagan yihiin Ukraine.

NATO ayaa sanado badan tababareysay tobanaan kun oo ciidan oo u dhashey Ukraine, iyagoo siiyey qalab aad u balaaran oo muhiima, si sare looggu qaado tayada iyo awoodda is difaacid ee ciidanka dalkani.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post