804 Views

Madaxda maamul goboleedyada oo la filayo inay soo gaaraan magaalada Muqdisho

Madaxda maamul goboleedyada oo  la filayo inay  soo gaaraan magaalada Muqdisho
____________________________________________________________________________

May 20 2021

Waxaa Magaalada Muqdisho ka socda qaban qaabo ku aadan soo dhawaynta Madaxda maamul goboleedyada oo  la filayo  inay badankood maanta soo gaaraan magaalada Muqdisho, oo lagu wado inuu ka furmo shirka u dhaxeeya dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada.

Wararka ayaa sheegaya in Shirkii uu  dib u dhac uu ku yimid, waxaana Garoonka Muqdisho ka socda abaabul ku aadan soo dhawaynta Madaxweynayaasha maamul Goboleedyada oo lagu wado in ay soo gaaraan Muqdisho.

Sidoo kale Qaban-qaabadii u dambeysay ee shirweynaha wada-tashiga qaran ayaa ka socota magaalada Muqdisho, waxaana la filayaa in shirkaan xal loogu helo is-mari-waaga doorashada oo muddo badan soo jiitamayey, inkasta oo ay ku gadaaman yihiin caqabado hor leh.

Shirkaan ayaa waxaa ku baaqay Ra’isal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, kaddib markii madaxweynaha uu waqtigiisa uu dhamaaday uu kowdii bishan May ku wareejiyay hoggaaminta howlaha doorashada iyo amniga.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post