3507 Views

Ergooyin ka socda gobolka Hiiraan oo gaaray Jowhar

Ergooyin ka socda gobolka Hiiraan oo gaaray Jowhar
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 12 January 2016: Garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar waxaa saakay ka degay ergooyin ka socda gobolka Hiiraan oo uu ka mid yahay Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed, halkaasi oo si diiran loogu soo dhoweeyay.

Wafdiga ka socda gobolka Hiiraan waxaa kale oo ka mid ah odayaasha dhaqanka, xildhibaano iyo siyaasiyiin ka tirsan gobolka Hiiraan, iyadoo loo sii galbiyay goob loo sii diyaariyay.

Ergadaan waxaa magaalada Jowhar ku soo dhoweeyay ergooyinka gobolka Hiiraan, xubno ka tirsan maamulka gobolka Sh/dhexe oo uu ka mid yahay Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Cali Guudlaawe Xuseen iyo saraakiil kale.

Dhanka kale waxaa saacadaha soo socda la filayaa inuu magaalada Jowhar gaaro wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud si uu halkaasi uga furo shirka maamul u sameynta gobolka Sh/dhexe iyo Hiiraan.

Shirka Jowhay ayaa la maleeynayaa in uu furmo maanta in kastoo an la ogeeyn sida ariinta noqoneeyo.

Shirki kale ee Kismaayo ayaa asagana cakiran oo an weli la isugu tegin, balse dadka qaar ayaa sheegayaa in Wasiirka Arima Dibada ee Itoobiya uu wado shirar Dowladiisa dan u ah.

.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment