1092 Views

Joe Biden oo Dalalka saboolka ah ugu deeqay dhaqaale gaaraya 500 milyan

Joe Biden oo Dalalka saboolka ah ugu deeqay dhaqaale gaaraya 500 milyan
____________________________________________________________________________

June 11 2021

Maamulka madaxweyne Joe Biden ayaa qorsheyna in qiyaastii 500 oo milyan oo tallaalka Pfizer (PFE.N) ugu deeqo 100 waddan labada sano ee soo socota, sida wakaaladda wararka ee Reuters ay u sheegeen saddex ilo wareed oo xog-ogaal u ah arrlnkan.

Biden ayaa la filayaa in uu kaga dhawaaqo qorshahan kaalmada ah shirka dalalka qaniga ah ee G7 oo goor dhow oo maanta ah ka furmaya dalka Ingiriiska.

Deeqdan ayaa Mareykanku marsiin doonaa mashruuca gargaarka deeqaha tallaalka ee COVAX oo ay hirgaliyeen hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO iyo hay’adda caalamiga ah ee tallaalka ee GAVI, waxaana loo qeybin doonaa dalalka saboolka ah iyo kuwa dhaqaalahoodu yahay meel-dhexaadka.

Qorshahan ayaa afartii todobaad ee la so dhaafay waxaa ka wadahadlayay isu-duwaha COVID-19 Jeff Zients iyo kooxda howlgalka xakameynta cudurkan ee Aqalka Cad, sida mid ka mid ah ilahaas u sheegay Reuters.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post