1683 Views

Isbitaalka deegaanka Saddex-higlo oo markale dib loo howlgeliyay

Isbitaalka deegaanka Saddex-higlo oo markale dib loo howlgeliyay
____________________________________________________________________________

 


khamiis: November 18, 2021

Munaasabad dib loogu howlgalinayay Isbitaalka deegaanka Saddex-higlo ee Gobolka Mudug ayaa waxaa ka qeyb galay Maamulka Gobolka Mudug, kan degmada Gaalkacyo, Saraakiil, maamulka degaanka Saddex-higlo, aqoonyahano iyo qeybaha Bulshada degaankaasi. Waxaana isbitaalkaani muddo u xirnaa Dhaqaale la’aan ka dib markii ay ka baxday Hay’addii gacanta ku haysay, balse hadda dib loogu furay isku tashi bulsho.

Dhamaan ka qeybgalayaashii Munaasabadda ayaa soo dhaweeyey isku tashiga dib loogu howlgaliyay Isbitaalka degaanka, iyagoo u mahadceliyay dhakhaatiirta iyo dhallinyarada hormuudka u ah dib u furista isbitaalka degaanka Saddex-higlo.

Dhanka kale masuuliyiinta maamulka, degmada Gaalkacyo iyo qaar ka mida Bulshadii ka qeybgashay munaasabadda ayaa balan qaaday qorshe lagu garab istaagayo isbitaalka degaanka oo baahi weyn loo qabay.

By:Mohamed M Hassan

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post