1398 Views

Ciidamo lagu daadiyay wadooyinka Magalada Berbera & doorasho ka dhaceysa

Ciidamo lagu daadiyay wadooyinka Magalada Berbera & doorasho ka dhaceysa
____________________________________________________________________________

Waxaa Maanta siweyn loo adkeeyay Amniga guud ee Magaalada Berbera ee Gobolka Togdheer, halkaas oo ay ka dhaceyso Maanta doorashada Guddoomiyaha Magaalada Berbera iyo kuxigeenkiisa.


Inta badan wadooyinka iyo xaafadah qaar ee magalada Berbera ayaa waxaa Maanta lagu arkayaa Ciidamo farabadan oo hub kala duwna wata, kuwaas oo amniga siwyen u xaqiijinaya mararka qaarna baaritaan ku sameeynaya Gaadiidka noocyadiisa kala duwan.


Xubnaha cusub ee golaha Deegaanka Berbera ayaa dooran doona Guddoomiyaha iyo ku-xigeen, waxaana tartan adag uu dhex-mari doonaa Maxamed Dable, oo ah Ganacsade siyaasadda ku soo biiray iyo Cabdishakuur Ciddin, oo horey Guddoomiye uga ahaa magaalada Berbera.
Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Soomaaliland & Xisbiyada Mucaaradka ayaa ku sugan magalada Berbera si ay goobjoog uga noqdaan doorashada Guddoomiyaha Magaalada Berbera iyo kuxigeenkiisa.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post