1377 Views

Daawo: Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlaya sababaha weerarada uga dhacaan Muqdisho

Daawo: Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlaya sababaha weerarada uga dhacaan Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL April 05, 2019 –Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa markale ku celiyay in ay socdaan howlgalo ka dhan ah Al-Shabaab, isagoo ka codsaday shacabka in  ay u adkeystaan dhibaatooyinka ka dhasha howlgalada ay ciidamada dowladdu sameynayaan.

Madaxweyne  Farmaajo oo maanta ka hadlayay masjidka ku yaal Madaxtooyada Salaada Jimce kadib ayaa sheegay in dowladiisu ay dooneyso in ay dowladaha ka dambeeya aysan ku mashquulin arrimaha amniga oo ay ku mashquulaan horumarka.

“Dowladihii iga horeeyay dadaal weyn ayay ku bixiyeen inay ka shaqeeyaan amniga annigana waxaan doonayaa in dowlada iga dambeyso ay xilka la wareegto dalka oo nabad ah.”ayuu yiri Madaxweyne  Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku macneeyay sababaha marwalba ay Al-Shabaab weerarada uga geystaan Muqdisho inay tahay in la yiraahdo dowlad kama jirto Soomaaliya.

Halkan hoose ka daawo Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlaya Masjidka Madaxtooyada;

Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta salaaddii Jimcaha keddib ka hadlay Masjidka Shuhadada ee Villa Somalia ayaa bogaadiyay hawlgallada ay wadaan Ciidanka Xoogga Dalka iyo garab istaagga ay shacabka Soomaaliyeed u muujiyeen hawlgallada socda.

Posted by Villa Somalia on Friday, April 5, 2019

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment