1959 Views

Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada” Soomaaliland iyada ayaa weerar ku qaaday Puntland”

Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada” Soomaaliland iyada ayaa weerar ku qaaday Puntland”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 17, 2018 – Kadib dagaal mudo saacado ah qaatay oo dhexmaray Ciidamada Mamulada Puntland iyo Soomaaliland ayaa masuuliyiinta labada maamul waxa ay isku eedeyanayen in midba midka kale uu isaga weerarka soo qaaday.

Shirkii Madaxda Dowlad Goboleedayda ee shalay lagu soo gaba gabeeyey Magalada Baydhabo ayaa looga hadlay dagalkaas,waxana madaxda Maamul goboleedayda ay sheegen in Ciidamada Soomaaliland ay weerar ku qaadeen fariismihii Ciidamada Puntland.

sland-mbiixi

Waxaa kaloo ay sheegeen in ay ka walaacsan yihiin dagaalkaas ka dhacay deegaanka Tukaraq oo ay sheegeen in uu ka mid yahay deegaannada Maamulka puntland.

Qodobada kasoo baxay shirkaas ee looga hadlay ama lagu sheegay in Soomaaliland ay weerartay fariisimaha Ciidamada Puntland ayaa muujineysa in Madaxda Dowlad Goboleedyada ay noqdeen kuwo mowqof mideysan ka qaatay xaalad walba ee soo kororta.

Hoos Ka Akhriso Qodobka ay ku cadeeyeen in ciidamada Soomaaliland ay weerarka soo qaadeen

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment