489 Views

Madxweynaha Puntland “ runtii waa xanuun nagu haya anaga oo u jeedna dadkeena inay maciishadii ku korortey, haddana aan waxba laga qaban karin

Madxweynaha Puntland “ runtii waa xanuun nagu haya anaga oo u jeedna dadkeena inay maciishadii ku korortey, haddana aan waxba laga qaban karin
____________________________________________________________________________

Isniin: July 25, 2022

Madxweynaha Dowladda Soomaaliyeed ee Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa markii u horeysey qirey in dalka uu ka jiro sicir barar iyo dhaqaale xumo, arrintaas oo ahayd mid muddo Dowladdu ka war-wareegeysey in ay wajahdo.

Madaxweynaha oo ka hadley goob roobdoon ay ka dhacaysey magaalada Garoowe oo dowladdu soo abaabushey ayaa sheegay in dhibaatada dhaqaale ee dalka xanuun ku hayso.

Dowladda Puntland runtii waxaa xanuun nagu haya anaga oo u jeedna dadkeena inay maciishadii ku korortey, haddana aan waxba laga qaban karin, maxaa yeelay dakhliga Puntland waa mid kooban ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Madaxweynaha Puntland ayaa dhanka kale ka hadley lacagaha deeqaha ah ee malaayiinta ah ee lagu deeqo Soomaaliya, waxaana uu hoosta ka xariiqey in aysan jirin wax dadkaan soo gaarey iyo si loo maamuley midna.

Marka laga yimaado xaaladda abaarta ah ee Punland la wadaagto dalka intiisa kale ayaa waxaa u dheer in ay Puntland saameysey siyaasadii ku fooganeyd Dowaldda Federaalka muddo saddex sano ah, iyo dhaqaalihii kor u dhaafey $30 Milyan ee dollar ee Puntland uga baxdey, natiijadiina noqotey khasaaro.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post