762 Views

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama oo bug uu qoray kaga hadlay

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama    oo bug uu qoray kaga hadlay
____________________________________________________________________________

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama ayaa ku sifeeyey Vladimir Putin-ka Ruushka inuu yahay sidii maamule waadh cusbitaal, halka uu ku sifeeyey madaxweynihii hore ee Faransiiska Nicolas Sarkozy in “aftahamadiisu sarrayso”” buugga xusuusqorkiisa oo ka koobnaan doona laba qaybood.

Buuggan oo lagu magacaabo A Promised Land ayaa ilaa iyo hadda la iibsaday ku dhawaad 890,000 oo nuqul dalalka US iyo Canada afar iyo labaatankii saac ee u danbeeyey, taas oo noqonaysa rikoodh cusub oo daabacadeed oo u dhigmaysa shirkadda daabacaadda Penguin Random House. Waxaana la filayaa in uu noqdo buuggii xasuusqor madaxweyne ah kii ugu iibsiga badnaa taariikhda.

Buuggan, ayaa Mr Obama ku xusayaa socdaalladiisii dunida xilligaa uu ahaa madaxweynihii 44-aad ee Maraykanka iyo kulamadiisii uu la yeeshay hoggaamiyayaasha caalamka. Taas oo ah, yaa u waajahay si wacan iyo yaa si kale u waajahay?

David Cameron

Ra’iisul wasaarihii dalka UK ee muddo xileedkii 2010-2016 wuxuu ahaa “reer magaal iyo shakhsi isku kalsoon” wuxuuna lahaa “kalsooni fudud oo ka dhigayay sidii qof aan waligiis noloshu culays saarin”.

Mr Obama ayaa yidhi waan ammaanayaa isaga shaqsi ahaan (“Waan ka heli jirey shaqsiyan, xitaa markii aan si adag u doodayno”) laakiin ma uusan qarin xaqiiqda ah inuu diiddaanaa siyaasadiisa dhaqaale. “Cameron wuxuu si dhow ula jaanqaaday nidaamka suuqa xorta ah, isaga oo dadkiisa u ballanqaaday in barnaamijkiisa dhimista adeegyada dowladda – ay weheliso dib-u-habeynta qawaaniinta iyo ballaadhinta ganacsiga – ay horseedi doonto xilli cusub oo tartan Ingiriis ah,” ayaa uu qoray Obama “Taa baddalkeeda, sida la saadaalin karo, dhaqaalaha Ingiriisku wuxuu hoos ugu sii dhacayay heerka ugu hooseeya ee dhaqaale.”

Vladimir Putin

Mr Obama wuxuu sheegay in hogaamiyaha Ruushka uu xasuusiyay baroonadii siyaasadeed ee uu la kulmay intii uu ku guda jiray xirfadiisa hore ee Chicago. Wuxuu qorayaa inuu ahaa “sidii maamul cisbitaal degmo, marka laga reebo inuu u dheereyd inuu hayay furaha hubka nukliyeerka iyo diidmada qayaxan ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay”.

Wuu sii waday: “Putin xaqiiqdii wuxuu i xasuusiyay noocyada raggii horey u soo maamulay ururadii Chicago ama Tammany Hall [urur siyaasadeed ka dhisan magaalada New York] – adadkaanta, caqlibadnaanta, oo aan la garanayn shakhsiyaad ogaa waxay ogaayeen, kuwaas oo aan waligood u dhaqaaqin meel ka baxsan waaya-aragnimadooda cidhiidhiga ah, isla markaana u arkay u-adeegsiga, laaluushka, in hoos gacmaha la isu saaro, khayaanada, iyo rabshadahu in ay mararka qaarkood yihiin aalado ganacsi oo sharci ah. “

Angela Merkel

Hogaamiyaha Jarmalka wuxuu ku Obama ku tilmaamay inay tahay “mid deggan, daacad ah, caqli ahaan adag, oo dabiiciyan naxariis leh”. Mr Obama wuxuu xusayaa in markii hore ay isaga ka shakisneyd, sababtoo ah aftahamidiisa iyo xirfadiisa hadalka. “Wax dambi ah kamaan qaadin, aniga oo ku xisaabtamaya in ay tahay hogaamiye Jarmal ah”

Recep Tayyip Erdogan

Mr Obama ayaa u arkayey hogaamiyaha Turkiga inuu yahay kuna qexay “mid saaxiibtinnimo qumman lahaa oo guud ahaan ka jawaaba codsigeyga”.

“Laakiin markasta oo aan dhagaysto isaga oo hadlaya, qaab dhererkiisii soo yara godanayey iyo hab hadalkiisii uu badanaa ku sheegi jirey cabashooyinka kala duwan. Waxaan ka dareemayey aragti ah in ballanqaadkiisa dimuqraadiyadda iyo ku dhaqanka sharciga uu sii jiri karo kaliya inta ay ilaalinayaan awooddiisa. “

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post