1752 Views

Maxay tahay sababta Madaxweynaha Shiinaha uu maanta u tagaayo Rwanda?

Maxay tahay sababta Madaxweynaha Shiinaha uu maanta u tagaayo Rwanda?
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | July 22, 2018 – Shiinaha ayaa Rwanda u soo bandhigtay hadiyado, iyadoo raadinaysa khayraadka dabiiciga ah iyo saamaynta siyaasadeed ay kordhinayaan dadaalkooda ku aaddan Afrika ee ka hooseeya Saharan.

Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa Rwanda booqasho ku tagaya maanta oo Axad ah, booqashadaas oo qaadan doonta laba maalmood, ayaa  ujeeddadiisa lagu sheegay sidii uu heshiisyo dhowr ah uu kula saxiixan lahaa Madaxweyne Paul Kagame, oo sidoo kale ah guddoomiyaha Midowga Afrika.

Hoggaamiyeyaasha labada dal ayaa la filayaa inay kala saxiixdaan heshiisyo dhowr ah oo ku saabsan ganacsiga, maalgashiga, kaabayaasha iyo difaaca.

Inkasta oo khabiiradu ay tilmaamayaan in Shiinaha uu si weyn diyaar ugu yahay maalgashiga dalalka Afrika, uuna bartilmaameedsanayo khayraadka dabiiciga ah iyo ilaha dhaqaale ee wadamada Africa.

“Ujeedada booqashadu waa hormarinta iyo kor u qaadida xiriirka labada dal, iyo arrimaha Maalgashiga khayraadka dabiiciga ah ee Rwanda ama dalal kale ee Afrika ku yaalla” ayuu yiri danjiraha China ee Rwanda, Rao Hongwei.

Saadaasha Ganacsiga ee u dhexeeya Rwanda iyo Shiinaha ayaa ku baxday, lacag dhan $ 157 milyan sannadkii 2017, waxa uuna kor u kacay 11 boqolkiiba marka la barbardhigo 2016.

Waxaana la rajeynayaa in maalgashiga sanadan uu kor uga kaco, sanadii lasoo dhafay.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment