3057 Views

WARBIXIN:-Keydka Dahabiga ah Ee Radio Muqdisho.

WARBIXIN:-Keydka Dahabiga ah Ee Radio Muqdisho.
____________________________________________________________________________

Muqdisho, Nofeembar 12, 2018 —Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxaa uu ka mid yahay warbaahinta ugu faca weyn Geeska Afrika gaar ahaan soomaaliya, waxaana la sheegaa in maqalkeedu uu gaari jiray ama laga dhageysan jiray qaaradaha Africa, Asia iyo iyo qeybo ka mid ah Yurup sanadihii todobaatameeyadii.

Dab ayaa maanta ka kacay keydka hadalka Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya, oo ku dhex yaalla xarunta Wasaaradda Warfaafinta Dawladda Federaalka Somaaliya, waxaana khasaaro ay ka soo gaartay qaar kamid ah keydka dahabiga ahaa ee RadioMuqdisho.

Dabka ayaa ka dhashay Koronto, waxaana kooxaha dab damiska Gobolka Banaadir ay ku guuleysteen in ay damiyaan daqiiqado ka dib, balse nasiib darro waxaa ku burburay dabkaasi qaar kamid ah keydka oo u badnaa canjalado ay wax ku duubnaayeen, sidda lgu daabacay website-ka raadiyaha.

Keydka qadiimiga ah ee Radio Muqdisho, waxaa ku jiray Taariikhda Soomaaliya laga soo bilaabo ilaa iyo sanadkii 1951-kii, suugaan, Hiddaha iyo dhaqanka Soomaalida, gabayo, qodbaddo, ciyaar dhaqameedyo iyo  waxyaabihii ka baxi jiray Raadiyaha intii uu jiray iyo kuwa kale oo muhiim u ahaa taariikhda ummadda Soomaalieed.

Keydka Radio Muqdisho ayaa jiray in ka badan 66 sannadood oo uu ahaa halka kaliya ee laga heli karo waxyaabaha taariikhiga ah ee quseeya soomaaliya, waxaana uu ka badbaaday dagaaladii sokeeya ee dalka ka dhacay kuwaasi oo lagu waayey waxyaabo badan oo muhiim u ahaa Taariikhda Soomaaliya intii u socday dagaalku.

Radio Muqdisho malaheyn keyd kale wuxuuna ahaa keydka kaliya ee laga heli karo, waxyaabaha qadiimiga ah ee la xariira thaariikhda soomaalida , fanka iyo suugaanta, dhacdooyinka, gabayada, qodbadaha madaxdii kala duwaneed ee dalka soomartay iyo waxyaabo kale oo lagu keydinaayey muddo ka badan ‘Nus qarni’.

Radio Muqdisho waxaa la aas-aasay Sanadkii 1951-kii, xilligii gumeystaha waxaana uu soo maray mar xaladdo kala duwan, iyadoo xiligaasi uu gumeystihii taliyaanigu u istimaali jiray inuu shacabka ugu gudbiyo amaradiisa. Sidoo kale dawladiihii rayadka ahaa ee soo maray dalka xorriyadii ka dib ayaa kala hadli jiray shacabka iyagoo u sii marin jiray raadiyaha.

Radio Muqdisho, ayaa ahaa meesha kaliya ee ay dadku ka helaan xogta dawladda iyo waxyaabaha ka jira dunidda inteeda kale. Iyadoo Sidoo kale dawladdii Milatariga ee Jeneraal maxamed Siyaad Barre, ay awaamiirteeda ugu soo gudbin jirtay shacabka.

Sido kale Radio Muqdisho Codka jamhuuriyadda Soomaaliya, waxaa uu qeyb lixaad leh ka qaatay doorkii ollelayaashii dalka ka dhacay sida Hormarintii afka soomaaliga, ugurmashada Abaartii dabadheer ololihii hormarinta reer miyigga iyo kuwa kale, waxana raadiyaha ka bixi jiray barnaamijyo loogu tala galay barashadda afka soomaaliga iyo afka carabiga, oo la oran jiray “kabaro afka soomaaliga raadiyaha iyo kabaro afka carabiga raadiyaha”, ciyaarihii gobolada dalka iyo kuwa kale.

Radio Muqdisho, waxaa uu hadda ku shaqeeya Xaruntii hore ee Raadiya oo qeyb ka ah Xarunta Wasaaradda warfaafinta, waxaana uu leeyahay qeybo kala duwan oo casri ah sida, shaadaha la iska arko ee Tv-ga, website-ka wararka lagu daabaco iyo aaladaha casriga ah ee Social media-ha, agabyada warbaahinta casriga ah ee Digitaal-ka loo yaqaano iyo wax yaabo kale, waxaana xusid mudan in hadda uu socday dadaalo lagu badbaadinyo keydka qadiima ah ee radiyaha kaasi oo Dijitaal loogu badalyo.

W/Q: Ahmed Mohamed Hassan (Ahmed Sudani)

E-mail: Sudanishow@gmail.com

Xafiiska Wararka QW/Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment