1056 Views

Kenya oo ku hanjabtay inay joojinayso Diyaaradaha Shaqaalaha UN-ka ee Muqdisho aada.

Kenya oo  ku hanjabtay inay joojinayso Diyaaradaha Shaqaalaha UN-ka ee Muqdisho aada.
____________________________________________________________________________

\May 31 2021

20 maalin ayaa ka soo wareegtay Markii Dowladfa Kenya ay joojisay dhamaad Duulimaadyadii Rayidka ahaa ee aadi jiray Somaliya, marka laga Reebo Diyaradaha qaada hay’adda Q.mdoobay iyo kuwa gargaarka Deg deg ah qaadi karo.

Sadax usbuuc kadib Kenya ayaa soo saartay Digniin ka duwan xayiraadii hore, ayada oo u Digtay shaqaalaha Q.midoobay iyo Diyaaradaha aada somaliya oo ay sheegeen in ay qabtaan Howlo ka Duwan tii lagu Balamay.

Kenya ayaa qoraal ay u dirtay ku wargalisay dhammaan ergooyinka Diblomaasiyadeed, Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo Hay’adaha Caalamiga ah ee ku sugan Nairobi inay ogaatay si qaldan u isticmaaleen fasaxii loo siiyey duulimaadyada Soomaaliya.

Sidoo kale Wasaaradda ayaa sheegtay in hay’adaha caalamiga iyo QM loo fasaxay duulimaadyada bini’aadanimo, kadib markii la joojiyey duulimaadyada Soomaaliya, hase yeeshee ay ogaatay inay ku xadgudbeen fasaxii la siiyey islamarkaana duulimaadyada loo adeegsaday arrimo siyaasadeed iyo kuwa ka horimanaya amarkii lagu joojiyey duulimaadyada.

Dhinac kale arintaan ayaa imaaysa Xili maalmihii la soo dhaafay ay Nairobi imaadeen siyaasiyiin ay ka mid yihin Raisal wasaarihii hore ee Somaliya Xasan  Cali qeyre Madaxweynaha Puntland sidii Deni iyo siyaasiga C/raxmaan C/shakuur oo diyaaradahaas soo raacay, taasi oo Kenya ka keentay cabashada.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post