747 Views

Qaramada Midoobay oo soo faragalisay Kiiska Ikraan Tahliil.

Qaramada Midoobay oo soo faragalisay Kiiska Ikraan Tahliil.
____________________________________________________________________________

.

Isniin: September 13, 2021

Amina Maxamed, ku xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo shalay soo gaartay magaaladda Muqdisho ayaa ka hadashay kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo mudo labo bilood ka badan aan lagu hayn raq iyo ruux toona.

Aamino Maxamed, oo wax laga waydiiyay kiiska Ikraan Tahliil Faarax, ayaa sheegtay in “sarreynta sharciga iyo helitaanka caddaaladda ay muhiim u yihiin ka hortagga rabshadaha iyo in lagu tunto xaquuqda dumarka.

Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale sheegtay in khilaafka siyaasadeed aan loo oggolaan inuu khatar geliyo horumarraddii dalka laga sameeyay.

“Waxaan ku kalsoonahay in hoggaanka Soomaaliya ay qaboojin doonaan xiisad kasta ayna ka fogaan doonaan ficil kasta oo horseedi kara rabshad iyo dibudhac hor leh oo ku yimaada doorashada ama wiiqi kara kalsoonida lagu qabi karo,” ayay raacisay.

Muxuu Farmaajo Kiiskaan uga baqayaa?

Madaxweynaha mudo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaadey Farmaajo wuxuu gabaad-u-siinayaa eedeysaneyaasha kiiska Ikraan Tahliil Faarax waa in ay jirto sir laga hayo, sida uu sheegay Jeneraal Cabdalla Cabdalla oo horey u soo noqdey taliye ku xigeenka hay’adda mukhaabaraadka Soomaaliya.

Cabdalla, ayaa ciwaankiisa gaarka ah ee Facebook-ga wuxuu ku daabacay in Fahad uu horey ugu goodiyey Farmaajo in uu sirtaas kashifayo.

Sida laga soo xigtey Cabdalla, hanjabaadda Fahad ayaa timid markii isaga uu 2018-dii uu dacwad ka gudbiyey Fahad .

“Muxuu ka baqayaa Farmaajo? Ma Fahad ayaa leh hadii maxkamad la igeeyo waan kashifaa sirteena? Sidii dhacday September, 2018 markaan dacwada ka gudbiyay,” ayuu Cabdalla ku bilaabay qoraalkiisa.

Farmaajo ayaa Fahad u magacaabay lataliyaha amniga qaranka kadib markii ra’iisul wasaaraha xukumadda Faderaalka uu eryay agaasimihii hay’ada sirdoonka markii uu diidey in uu soo gudbiyo warbixinta kiiska haweenayda maqan.

Kiiska Ikraan Tahliil Faarax ayaa u dalacay dood qaran, sida uu Axadii shalay ahayd sheegay xafiiska ra’iisul wasaaraha oo meesha ka saarey uu siyaasad ku lug leeyahay.

Wasiirka 1aad Maxamed Xuseen Rooble ayaa, sida uu xafiiskiisu sheegay, wuxuu kulanka uu shalay la yeeshay wafdi ka socday Qaramada Midoobay u sheegay in uu ahmiyad siinayo qadiyadan.

Sida uu sheegay afhayeenkiisa Maxamed Ibraahim Macalimuu, madaxwayneyaasha maamulada oo shirka qeyb ka ahaa ayaa Rooble u muujiyey in ay ku garab taagan yihiin qaabka uu ilaa hadda u maareynayo kiiskan.

Xiisada ka dhalatay kiiskan ayaa gaartey in ay ku kala qeybsamaan hogaanka dalka iyadda oo madaxweynaha waqtigu ka dhamaadey Farmaajo lagu eedeeyay in uu gabaad-siinayo eedeysaneyaasha gal-dacwadeedkan

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post