861 Views

Madaxweyne Putin ” Waxaan xilliyada qaar ku shaqaysan jirey tagsiilinnimo

Madaxweyne  Putin ” Waxaan xilliyada qaar ku shaqaysan jirey tagsiilinnimo
____________________________________________________________________________

isniin: December 13, 2021

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ka hadlay sida uu uga qoomameynayo burburkii Midowga Soofiyeeti 1991-kii, isagoo daaha ka qaaday inuu ku qasbanaaday inuu ka shaqeeyo tagsiile ahaan si uu u kabo dakhligiisa.

Dhibaatooyinka dhaqaale ee ka dhashay burburkii ayaa ku qasbay dad badan oo Ruush ah inay raadiyaan habab cusub oo ay lacag ku helaan.

Mr Putin ayaa kala go’a ku tilmaamay burburkii Ruushka ee taariikhiga ahaa.

Hadalkan ayaa sii hurinaya wararka la isla dhexmarayo ee ku saabsan waxa uu damacsan yahay Ukraine, oo ah Jamhuuriyad hore oo Soofiyeedka ah.

Ruushka ayaa in ka badan 90,000 oo askari ku ururiyay xadka uu la wadaago Ukraine, waxaana jirta cabsi ah inuu qorsheynayo inuu duulaan ku qaado.

Ruushka wuu diiday arrintaas, isagoo ku eedeeyay Ukraine daandaansi iyo in ay dammaanad ka raadinayaan isballaadhinta bariga ee Nato.

Hadalka Mr Putin ayaa ka yimid filim dokumentari ah oo lagu magacaabo Russia, Latest History, oo la sii daayay Axaddii.

“Waxay ahayd burbur ku yimid Ruushka taariikhiga xilligii la aha magaca Midowga Soofiyeeti,” ayuu yidhi, isaga oo intaa ku daray in reer galbeedku ay aammin san yihiin burburinka Ruushka in ay tahay wax la iska sugo oo dhici doona.

Sida la wada ogsoon yahay Mr Putin waxa uu burburka u arkaa musiibo balse hadaladii uu ka sheegay dhibaatooyinkiisa gaarka ah ayaa ah kuwo ku cusub.

“Mararka qaar waxay ahayd inaan helo lacag dheeraad ah,” ayuu yidhi. “Waxaan ula jeedaa, lacag dheeraad ah oo aad ku kasbanayso hab kale oo tagsiilinnimo ah, darawal gaar ah. Waa wax aan fiicneyn in laga hadlo dhab ahaantii, laakiin nasiib daro taasi way dhacday.”

Waqtigaas, tagsiyadu waxay ahaayeen kuwo naadir ku ah Ruushka, dad badan oo gaar ah ayaa raaci jiray si dadka aan kala garanayn deegaanku si ay u helaan nolol maalmeedkooda. Qaarkood waxay xitaa isticmaali jireen baabuurta shaqada sida ambalaasyada oo kale qaabkii tagaasida ayay ugu shaqaysan jireen.

Mr Putin waxaa la og yahay inuu ahaan jiray wakiilkii hore oo u adeegga amniga Soofiyeedka, KGB.

Si kastaba ha ahaatee, horaantii 1990-meeyadii wuxuu ka shaqeeyay xafiiska duqa magaalada St Petersburg Anatoly Sobchak.

Waxa uu ku adkaysanayaa in uu iska casilay xilka KGB kadib afgambigii Ogosto 1991 ee lagaga soo horjeeday Madaxweynihii Soofiyeedka Mikhail Gorbachev kaas oo horseeday kala jabkii USSR.

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post