2436 Views

Xildhibaan Cabdi Shire”Afar Cisho Ma Hurdin, Waa Wax Laga Naxo In Qof Nool Lagu Gubo”

Xildhibaan Cabdi Shire”Afar Cisho Ma Hurdin, Waa Wax Laga Naxo In Qof Nool Lagu Gubo”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 24, 2018 –Xarunta golaha Shacabka ee Magalada Muqdisho waxaa ka socda Kulanka Xildhibaanada ay leeyihiin,iyada oo ajandaha Maanta uu noqday xad-gudubkii ka baxsanaa bani’aadannimada ee lagu gubey Axmed Mukhtaar Dowlo.

in kastoo horay ujeedka kulanka uu u ahaa xeer hoosaadka Golaha ayaa hadana la bedelay,waxana Xildhibaanada ay sigaar ah Maanta inta badan uga hadleen dilkii arxandarad ahaa ee Axmed dowlo.

Xildhibaan Cabdishire Jaamac Ciyaar jecel oo ka mid ah mudanayashii Maanta hadlay ayaa sheegay in amniga Magalada Muqdisho uu gaaray in mudo Afar Cisho ah uusan hurdin.

“ Afartii cisho ee u dambaysay hurdo ma ladin, Waa wax laga naxo in magaalada dhexdeeda qof nool lagu gubo. Baarlamaanka arrintan masuuliyad ayaa ka saaran inay ka hadlaan”

Dhacdadii lagu dilay laguna gubay Axmed dowlo ayaa waxa ay noqotay mid saameyn weyn ku yeelatay inta badan Bulshada Soomaaliyeed,Siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin intaba.

 

 

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

———————————————————————-

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment