471 Views

Sadio Mane wuxuu sheegay dalkiisa hooyo ee Senegal inuu marki ugu horreysay uu hanto Koobka kubadda cagta ee Qaramada Afrika

Sadio Mane wuxuu sheegay dalkiisa hooyo ee Senegal inuu marki ugu horreysay uu hanto Koobka kubadda cagta ee Qaramada Afrika
____________________________________________________________________________

Talaado: February 8, 2022

Sadio Mane wuxuu sheegay dalkiisa hooyo ee Senegal inuu marki ugu horreysay uu hanto Koobka kubadda cagta ee Qaramada Afrika ay uga dhigan tahay inti uu kubadda ciyaarayey howshi ugu muhiimsaneed ee u qabsoontay.

Xiddiggan wuxuu shabaqa uu ku hubsaday rigooraha guusha u horseeday dalkiisa uu ka dhaliyey Masar, isaga oo qaybti hore ee ciyaarta laga diiday rigoore iyada oo marki dambana ay ciyaarti Axadda oo wakhti dheeri ah lagu daray ay ku dhammaatay 0-0.

Dalka Senegal ee Galbeedka Afrika ku yaalla waxay ku guul darreysteen laba koob oo kubadda cagta ah, iyada oo seddex sano ka hor ay Algeria isku soo hareen ugu dambeyntina 1-0 looga guuleystay.

“Waa maalintii noolasheyda iigu wanaagsaneyd iyo koobki noolasheyda ugu wacnaa,” ayuu yiri 29 jirkan Liverpool difaaca uga ciyaara.

“Waan ku faraxsanahay naftayda, dadkayga iyo dhammaan qoyskayga”.

Mane ayaa helay fursad uu Senegal hoggaanka ugu dheerayn karay kadib markii uu Saliou Cisse kubad ku soo celiyay Mohamed Abdelmonem daqiiqadii 4-aad ee ciyaarta.Laakin isku daygiisii waxaa ka hortagay goolhayaha Masar Gabaski.

Mane ayaa ku ammaanay asxaabtiisa kooxda inay siiyeen awood uu kula soo laabto rigooreyaal, halkaasoo uu ku hubsaday 4-2.”Markii aan khasaariyay rigooradii ugu horeysay, waxay ii ahayd niyad jab aad u weyn,” ayuu yiri.”Laakiin saaxiibadeyda kooxda ayaa ii yimid oo igu dhahay ‘Sadio, si wadajir ah ayaan u badineynaa, waana wada guuleysaneynaa, waan ku naqaannaa, wax badan ayaad noo qabatay, dadaalkaaga horay u sii wad”.”Talo bixinta saaxibbadeey waxay iga dhigtay mid xoogan, waxaana u maleynayaa inay samaysay farqiga markii aan helnay kaalinta labaad.””Dhammaan saaxibbadeey ayaa ii yimid, waxayna igu dhaheen ‘Sadio, waan kugu kalsoonahay’, taasina waxay i siisay dhiiragelin dheeri ah, koobka waxaa iska leh dhammaan xulka Senegal – qof walba wuu u qalmaa.”Mane ayaa sidoo kale loo doortay ciyaaryahankii ugu fiicnaa tartanka, waxaana subaxii ka dib ciyaarti kooxdiisu ay guusha ku hanatay uu soo galiyay sawir uu sariirta kula jiro koobka iyo billadda uu ku guuleystay.

Mane ayaa lagu ammaanay geesinnimadiisa ka dib markii uu la waayey rigoorada

Badbaadinta Gabaski ee Mane ee Yaoundé ayaa ahayd markii afaraad oo Senegaal laga soo riixo meel aan u dhaween Koobka Qaramada Afrika.

Mané ayaa darbadiisa laga diiday ciyaartii siddeed dhamaadka ay qasaaro kala kulmeen Cameroon sanadkii 2017-kii, labo sano kaddib waxa uu ku guul darreystay inuu gool u baddalo darbadii uu ka dhaliyay ciyaartii group-yada ee Kenya iyo wareega 16-ka ee Uganda – inkastoo uu goolal uu dhaliyay labadii kulan.

Weeraryahankii hore ee Nigeria Daniel Amokachi, oo ku guuleystay Koobkii Qaramada Afrika ee 1994-kii, ayaa sheegay in Mane uu “muujiyay dabeecad badan” si uu u qaato rigoore ka dhan ah Faraaciinta.

“Ma dareemin markii uu soo baxay, laakiin waxaad arki kartaa sida uu kubbadda koornada ugu diray,” ayuu yiri Amokachi u warramaya BBC World Service.

“Taasi waa waxa uu xiddigu yahay, waxa aan sheegay in aanu aragnay isaga oo luminaya fursadaha markii uu u ciyaarayay Liverpool, laakiin dabeecadda uu ciyaarta ku soo bandhigay, tayada ayaana had iyo jeer dhammaadka guulaysata”.

Ciyaaryahankii hore ee Manchester City Yaya Toure, oo Ivory Coast kula guuleystay koobka Qaramada Afrika ee 2015 ka dib markii rigoorayaal loogaga adkaaday ciyaarihi kama dambeystay ee 2006 iyo 2012, ayaa ammaanay geesinnimada Mane, halka Efan Ekoku uu ku tilmaamay goolkii ugu dambeeyay ee Mane inuu ahaa “laadkii ugu weynaa noloshiisa” .

“Aad ayaan ugu faraxsanahay Sadio Mane,” ayuu yiri weeraryahankii hore ee Nigeria Ekoku oo u warramay barnaamijka BBC Three.

“Wax badan ayuu la soo maray xulkiisa, geesi ayuu ahaa,” ayuuna sii raaciyey.

Tababaraha kooxda guusha ay kooxdiisu gaartay wuxuu hibeeyey dadweynaha reer Senegal

Tababaraha Senegal, Aliou Cissé, waxay guul u tahay isku daygii saddexaad ee finalka Koobka Qaramada Midoobay.

45-jirkan ayaa kabtanka u ahaa kooxda Teranga Lions markii ay ku dhameysteen kaalinta labaad sanadkii 2002-dii, wuxuuna xilligaa uu qasaariyey rigoore tuuristii Cameroon waxa uuna kursiga keydka ku jiray 2019-kii.

Waxa uu guusha u hibeeyey asxaabtiisa ka hor intii aanu shirkiisa jaraa’id qaban ciyaarta ka dib oo ay kooxdiisu joojin dabbaaldegga.

“Waxay ahayd mid dheer, way adag tahay, mararka qaarkoodna aad bey u adkeyd, laakiin waligeen ma quusan,” ayuu yiri Cisse.

“Waxaan u maleynayaa inay dhab ahaantii caddaynayso xoogga maskaxeed ee jiilkan, aad ayaan u faraxsanahay, waxaan u hurnay guushan dadka Senegal, sababtoo ah tan iyo xoriyadda ilaa hadda, waxaan ku daba jirnay xiddigan koowaad.

“Maanta waxaan sidoo kale haysan doonnaa xiddig aan wada jecel nahay.”

Tobannaan kun oo taageereyaal reer Senegal ah ayaa isugu soo baxay waddooyinka waaweyn ee magaalada Dakar si ay ugu damaashaadaan habeennimadii Axadda, iyagoo lulaya calanka dalkaasi, qoob ka ciyaar iyo rashka hawada u marinayey, waxaana Isniintii dalka oo dhan looga dhawaaqay hal maalin oo fasax ah oo lagu xusayo guushii ay kooxdu ka gaartay ciyaarihi koobka kubadda cagta ee Qaramada Afrika ee ay martigelisay Cameroon.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post