900 Views

Puntland oo sheegtay in la la’yahay Kalluumeysato Soomaali & Ajaanib ah

Puntland oo sheegtay in la la’yahay Kalluumeysato Soomaali & Ajaanib ah
____________________________________________________________________________


Muqdisho | QOL | November 23, 2020 –
Dowlad goboleedka Puntland ayaa faah faahin Guud ka bixiyay khasaaraha nafeed iyo midka hantiyaded ee ka dhashay Roob dabeylo watay iyo duufaan ku dhufatay degaano ka tirsan Gobolada Bari ee Puntland.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Maamulka Puntland Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde) ayaa marka hore sheegay in kulan deg deg ah oo ay yeesheen Xubnaha Golaha wasiirada Puntland uu Madaxweyne kuxigeenka puntland ku Magacaabay guddi heer wasiiro ah iyo Agaasimaha guud ee Madaxtooyada, kuwaas oo kuurgalaya xaalada degaannada duufaanta ku dhufatay una gurmanaya.

Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Maamulka Puntland Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde) waxaa uu sheegay in duufaanta ku dhifatay gobolada Bari iyo Gardafuu ay ku geeriyoodeen 7 Kalluumeysato Yamaniyiin ah sidoo kalena la la’yahay Kalluumeysato Reer puntland ah iyo Ajaanib iyo doonyo ay wataan.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in xeebaha degmada Xaafuun ay kusoo caariyeen Lix doomood oo Kalluumeysi, sidoo kale ay go’an tahay Isgaarsiinta qeybo kamid ah gobolada bari & Gardafuu.

Meelaha ay duuufaanta sida weyn u saameeysay ayuu wasiirka warfaafinta Puntland ku sheegay degaannada, Xaafuun, Hurdiya, Garduush, Taageer, Gumbax, iyo Foocaar, sidoo kale Magaalada Boosaaso uu ka da’ay 24-kii Saacadood ee la soo dhaafay roob farabadan.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post