534 Views

Dhaqaalaha Al-Shabaab bil walba uga baxa HUB soo iibsashada oo la shaaciyey

Dhaqaalaha Al-Shabaab bil walba uga baxa HUB soo iibsashada oo la shaaciyey
____________________________________________________________________________


Talaado February 22, 2022

 Warbixin uu soo saaray machadka daraasaadka amniga ee Hiraal Institute ayaa lagu soo bandhigay xogta siyaabaha ay Al-Shabaab ku helaan hubka iyo cadadka kharashka ay ku soo iibsadaan.

Warbixintaan oo ka kooban 25-bog ayaa shaaca ka qaaday in kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya ay bil kasta ugu yaraan 2 milyan oo dollar kusoo iibsadaan hub kala duwan.

Warbixintaan ayaa cinwaan looga dhigay “Saanadda Al-Shabaab” waxayna daba socotaa warbixin uu sanadkii hore machadkaan daabacay, taas oo lagu soo bandhigay xogta dhaqaalaha bil kasta u soo xarooda kooxda Al-Shabaab.

Agaasimaha machadka Hiraal Samiira Geed oo la hadashay VOA ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixisay warbixinta ay soo saareen, iyadoo sheegtay in hubka ugu badan ay Al-Shabaab ka helaan wadanka Yemen oo xuduud badeed la wadaaga Soomaaliya.

Waxay sheegtay in bishii 10-aad ee sanadkii hore ay bilaabeen cilmi baaris ku saabsan sida ay Al-Shabaab ku helaan hubka iyo lacagta ay ku soo iibsadaan inta ay dhantahay.

“Waxaan helnay miisaaniyadooda sanadeedka, waxaan wareysi la yeelanay xubno horay uga tirsanaa Al-Shabaab, oday dhaqameedyo, ganacsato, saraakiil ka tirsan dowladda iyo xubno kale oo ururka aqoon durugsan u leh,” ayey tiri Samiira Geea

Ganacsatada, dhulalka iyo guryaha la kala iibsado ayey sheegtay Samriira in kooxdu ay ka hesho kharashka ugu badan, iyagoo afar meelood hal meel ku soo iibsada hubka ay isticmaalaan.

“Dhaqaalaha ugu badan waxay Al-Shabaab ku bixiyaan amniga, sanad kasta waxay kooxdu hub ku soo iibsataa 24 milyan oo dollar, hubka ugu badan waxuu uga yimaadaa wadanka Yemen, sidoo kale suuqyada madow ee dalka gudihiisa ah ayey ka iibsadaan hubka,” ayey tiri Samiira.

Sidoo kale warbixintaan waxay soo bandhigtay in Al-Shabaab ay hub ka furtaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo kula dagaalama koonfurta iyo bartamaha dalka.

“Gudaha iyo dibada si fudud ayey kooxdu iga iibsataa hubka, waxay leeyihiin awoodo ay ku sameeyaan waxyaabaha qarxa, sidoo kale kooxdu waxay awood u leedahay inay miisaaniyad ku bixiso soo iibinta hubka, halka dowladda iyo maamullada Soomaaliya aysan awoodin taas, cunaqabateynta saran aawgeed,” ayey leedahay warbixintaan.

Daqliga ay ka helaan dadka Soomaaliyeed waxay sheegtay warbixintaan in Al-Shabaab uu siinayo awood ka badan tan dowladda.

“Sanadkii lasoo dhaafay waxaan sameynay cilmi baaris maaliyadeed oo aan ku xaqiijinay in ururka Al-Shabaab ay uruuriyaan ku dhawaad 180 milyan oo dollar sanad kasta, balse waxaan fileynaa in sanadkaan ay intaas ka sii badan tahay, maadaama ay ururku kordhiyaan canshuurta ay qaadaan,” ayey tiri Agaasime Samiira Geed.

Sidoo kale warbixintaan machadka daraasaadka amniga ee Hiraal Institute waxay cadeysay in kooxda Al-Shabaab ay ka taliso dhul balaaran oo ka tirsan Soomaaliya, isla markaana ciidanka qaranka iyo AMISOM aysan weli u suurta gelin inay ka guuleystaan kooxda.

\Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post