564 Views

Madaxweynaha Puntland oo Maanta tegay Gaalkacyo

Madaxweynaha Puntland oo Maanta tegay Gaalkacyo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | September 08, 2021:-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Maanta gaaray Waqooyiga Magaalad Gaalkacyo, ee Xarunta Gobolka Mudug, iyadanoo siweyn halkaasi loogu soo dhaweeyay.

Garoonka diyaaradaha Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa Madaxweyne Deni kusoo dhaweeyay Xubno ka tirsan labada Golle ee Puntland iyo Galmudug, Masuuliyiinta Gobolka Mudug iyo Degmada Gaalkacyo ee labada dhinac Galmudug iyo Puntland, Saraakiisha laamaha Amniga iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshaweynta magaalada Gaalkacyo.

Madaxweynaha Puntland oo maalmihii la soo dhaafay safar ugu maqnaa dalka dibaddiisa ayaa ujeedka safarkiisa Magaalada Gaalkacyo waxaa lagu sheegay xarig jarka Garoonka Kubbada Cagta Cawaale oo hab casri ah loo dhisay.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa kulamo kala duwan uu la qaadan doonaa Maamulka iyo Odayaasha dhaqanka Magaalada Gaalkacyo, isaga oo sidoo kale kormeer ku ku tegi doono dhismaha dekedda Garacad.

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post