2013 Views

Mareykanka oo tirada Al-shabaab ku sheegay 4,000- 6,000 oo askari

Mareykanka oo tirada Al-shabaab ku sheegay 4,000- 6,000 oo askari
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | April 23, 2018 – Milatariga Dalka Mareykanka ayaa sheegay in tirada Ciidamada u dagaallama Al-shabaab ay gaarayaan 4,000 ilaa 6,000 oo askari.

Waxaa ay warbixintooda ku sheegeen in AL-shabaab ay ka midyihiin Ururrada ugu waaweyn Caalamka ee ka farcama Al Qaacidda.

Waxaa ay sheegeen in Alqaaciddada Afrika ay sii kordhayaan marka loo eego Soomaaliya iyo Gobollada Waqooyiga iyo galbeedka Afrika.

Waxaa ay sheegayaan in 4,000-6,000 oo Askarta Al-shabaab ah ay aad ugu howlgalaan Soomaaliya kuwaas oo caqabad ku ah amniga meelo badan oo ka mid ah Bariga Afrika.

Ururka Daacish ayey warbixintu sheegtay in ay tiro ahaan aad u yaryihiin,waxaana lagu sheegay 75 ilaa 80 Askari oo kaliya,kuwaas oo ka dagaallama Buuraleyda Maamul Goboleedka Puntland ee Waqooyi Bari Soomaaliya.

Dhinaca kale Warbixinta Milatariga Mareykanka ayaa sheegay in Alqaacidda qeybteeda Dalka Mali ay tiradoodu gaareyso 800 oo Askari,kuwaas oo iyaguna weerarro ku haya Ciidamada Nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobey iyo dowladda uu caalamku taageersanyahay ee dalka Mali.

Mareykanku waxaa uu warbixintiisa ku sheegay in dagaalyahannada Ururka Boko Haram ay gaarayaan 1,500oo Askari halka Daacishta Galbeedka Afriak ay heysato Ciidan gaaraya 3,500.

.

W/Q:- Bashiir Barre Ali

Xafiiska Wararaka | Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment