405 Views

DFS oo sheegtay in saraakiil iyo dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab lagu dilay Shabeellada Hoose.

DFS oo sheegtay in saraakiil iyo dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab lagu dilay Shabeellada Hoose.
____________________________________________________________________________


khamiis: February 3, 2022

Ciidamada xoogga dalka ayaa howlgal qorsheysan waxaa ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolka shabeellada Hoose.

Howlagalka ayaa waxaa uu ka dhacay deegaano hoostaga degmooyinka Awdheegle, iyo Qoryeeleey oo dhammaantooda ka wada tirsan gobolka shabeelada hoose.


Saraakiil ka tirsan Miltariga Soomaaliya ayaa sheegay in inta uu howlgalka socday ay ciidamada xoogga ay bnurburiyeen saldhigyo Al-shabaab ay ku leeyihiin tuulooyinka Adiimoole iyo Degwariiri, oo ah inta u dhexeeyso deegaanka Tooratooroow iyo degmada Qoryooleey.


Ciidanka xoogga dalka ayaa sidookale howlgal ka sameeyay Tuulooyinka Daarusalaam iyo Mubaarak halkaasi oo khasaare xoogan lagu gaarsiiyay dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab.

Sidoo kale Saraakiisha ciidamada xoogga ayaa sheegay intaasi kadib ay gaareen deegaanka Tooratooroow halkaasi oo ay ku gaareen howgal qorsheeysan iyagoo gabi ahaanba burburiyay xarumihii Al-shabaab ay ku lahaayeen deegaankaasi.


Taliyaha ururka 83-aad G/le Nuurdiin Macalin Xuseen oo la hadlay Idaacadda ku hadasha Afka ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in dagaalka lagu dilay afar sarkaal iyo 7 dagaalame oo ka tirsan Al-shabaab.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post