750 Views

Qaramada Midoobay oo dalbatay in la xaqiijiyo nolosha Amiiradda Dubai ee Xiran

Qaramada Midoobay oo dalbatay in la xaqiijiyo nolosha Amiiradda Dubai ee Xiran
____________________________________________________________________________

 Feb: 20/2/2021

Xafiiska arrimaha bani’aadannimada ee Qaramada Midoobay ayaa dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ka dalbaday in ay usoo gudbiso caddeyn ku saabsan in Amiirad Latifa, oo ah gabadha uu dhalay amiirka xukuma Dubai, ay wali nooshahay.

Hayaddan dabagalka sameysa ayaa sidoo kale codsatay in xog dheeraad ah laga siiyo xaaladda ay gabadhaas ku sugan tahay, sida uu sheegay afhayeenkooda.

Dhowr muuqaal oo ay Latifa soo duubtay ayey ku eedeysay aabeheed, waxayna sheegtay in uu afduub ahaan ugu heysto Dubai tan iyo markii ay isku dayday in ay baxsato sanadkii 2018.

Muuqaallada oo ay si qarsoodi ah u soo duubtay, islamarkaana BBC-da lala wadaagay, ayey Lafita ku sheegtay in ay nafteeda u cabsaneyso.

Qaar ka mid ah saaxiibadeed ayaa muuqaalkaas faafiyay, waxaana uu sababay baaqyo kala duwan oo caalamka ka imaanaya, kuwaasoo Qaramada Midoobay loogu boorrinayo in ay baadhitaan ku billowdo arrintan.

Sidoo kale dowladda UK ayaa sheegtay in ay “si aad u dhow” ula socon doonto xaaladaha kasoo kordha arrintaas.

“Waan ka walaacsan nahay arrintaas,” ayuu horaantii isbuucan yidhi Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee UK, Dominic Raab.

Wuxuu intaas ku daray in ay “xanuun weyn” tahay in muuqaalladaas ay muujiyeen “gabadh da’ yar oo ay murugo heysato”.

Amiirad Latifa aabbeheed, Sheekh Maxamed Bin Raashid Al Makhtuum wuxuu ka mid yahay dadka ugu taajirsan adduunka, waana maamulaha Dubai, ahna madaxweyne ku xigeenka waddanka Imaaraadka Carabta.

Dowladda Imaaraadka ayaa xiriir dhow la leh dalal ka tirsan reer Galbeedka, oo ay ka mid yihiin Mareykanka iyo UK, kuwaasoo ay xulafo yihiin.

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post