297 Views

Haweeney ku nool gobolka Jambi ee dalka Indonesia oo la sheegay in ay dhimatay oo uu gebi ahaanba liqday Maska Jabisada

Haweeney ku nool gobolka Jambi ee dalka Indonesia oo  la sheegay in ay dhimatay oo uu gebi ahaanba liqday Maska Jabisada
____________________________________________________________________________

Arbaco: OCTOBER 26, 2022

Haweeney ku nool gobolka Jambi ee dalka Indonesia ayaa la sheegay in ay dhimatay oo uu gebi ahaanba liqday Maska Jabisada loo yaqaano, sida ay sheegeen sarakiisha dalkaasi.

Jahrah, ayaa da’deeda lagu sheegay 50 jir , waxa ayna markii uu Maskaasi liqayay ku sugnayd beerteeda.

Haweeneydan ayaa la shaaciyay in la waayay ka dib markii ay ku soo laaban waysay gurigeeda habeenkii.

Maalin ka dib mid ka mid ah dadka tuulada ayaa arkay Maska Jabisada oo ay calooshiisa aad u wayn tahay.

Dadka deegaanka ayaa markii dambe dilay Maska oo meydkeeda ka soo saaray calooshiisa.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post