1251 Views

Cabdillaahi Darawal “Dowladda Soomaaliya waxay innagu haysaa dagaal midnimo raadis ah”

Cabdillaahi Darawal “Dowladda Soomaaliya waxay innagu haysaa dagaal midnimo raadis ah”
____________________________________________________________________________

 

Khamiis, Abril, 09, 2020 [Qaranimo Online] Cabdillaahi Xuseen Iimaan [Darawal] oo ka mid ah siyaasiyiinta Somaliland, ayaa isaga oo ku sugan magaalada Hargeysa,  sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku hayso Somaliland dagaal maskaxeed, ayna dhaqaale ku bixinayso olole midnimo raadin ah.

Cabdillaahi Darawal oo ka tirsanaa saraakiisha ciidamaddii xoogga dalka Soomaaliya, markii dambe-na ku biiray jabhadii hubaysnayd ee SNM ee la dirirtay ciidamadii Soomaaliya, wuxuu u soo jeediyey madaxda Somaliland in ay la yimaadaan wax uu ku sheegay siyaasad lagu badbaadinayo Somaliland.

“Waynu ognahay, Xamar dagaal badan ayaa inagaga socda, mid siyaasadeed, mid dhaqaale, mid maskaxeed, dhallinyaradeenii baa ururro loo furtay, oo Miisaaniyado loo samaystay oo Midnimo lagu beerayaa, Maantana waynu ognahay, Ninka 40 jirka ahi ma oga wixii Waddankan loo soo maray sheeko mooyaane, inaguna wacyi-gelin umayno samaynin oo barnaamijyo umayno samaynin, meesha waxaas oo dagaal ahi kaaga socdo inaad ku habsaato Anigu ma qabo, marmarka qaarkood waxaaban iraahdaa waa lagu ciyaarayaa Dadka iyo Dalka.” Ayuu yiri Cabdullaahi Darawal.

Waxaa kale, oo uu sheegay in R/wasaaraha Itoobiya dhankiisa uu ka wato qorshe uu doonayo inuu isku daro Geeska oo dhan, halka Somaliand na ay raadineyso wax uu ku sheegay madax-bannaani.

Hadalka ka soo yeeray Cabdillaahi Darawal ayaa ku soo beegmaya xilli ay sii kordhayso walaaca Somaliland ay ka qabto aqoonyahanno ka soo jeeda Somaliland oo u ololaynaya in gobolada Waqooyi ee Soomaaliya ay mar kale la midoobaan Gobolada Koofureed.

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment