825 Views

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo soo gaaray Magaalada Muqdisho

Madaxweynaha  Koonfur Galbeed  oo soo gaaray Magaalada Muqdisho
____________________________________________________________________________

Jimco: June 25 2021

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka.

Socdaalka Madaxweynaha ayaa ah ka qeybgalka Shirka Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble uu ku casuumay madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka.

Shirkaasi ayaa looga hadlayaa howlihii ka qabsoomay arrimaha doorashooyinka tan iyo heshiiskii 27-kii May iyo dardar gelinta shaqooyinka harsan.

Sidoo kale Madaxda kale ee dowlad gobolleedyada ayaa saacadaha soo socda la filayaa in ay soo gaaraan magaalada Muqdisho.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post