1503 Views

Madaxweyne Farmaajo oo gaaray Dhuusamareeb

Madaxweyne Farmaajo oo gaaray Dhuusamareeb
____________________________________________________________________________

Dhusamareeb | QOL | July 18, 2020 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo guddoomin doona Shirka Wadatashiga Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed ayaa soo gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Dhuusamareeb ee Ugaas Nuur ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, K/Xigeenkiisa Mudane Cali Daahir Ciid, Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare, Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Mudane Maxamed Nuur Gacal iyo Ku Xigeennadiisa, Xubno ka tirsan Goleyaasha heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed.

Shirkan oo loo asteeyey in uu ku qabsoomo magaalada Dhuusamareeb ayaa ku saabsan hannaanka geeddi socodka siyaasadeed iyo amni ee dalka, iyadoo madaxdu ay ka arrinasanayaan qodobbada muhiimka u ah dowlad dhiska dalka oo ay ugu horreyso qabsoomidda doorasho waafaqsan dastuurka, sharciga doorashooyinka iyo xeerarka dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa inta uu ku sugan yahay Dhuusamareeb waxa uu kulamo gaargaar ah la qaadan doonaa Madaxda Heer Dowlad Goboleed, waxgaradka deegaanka iyo bulshada rayidka ah.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Dhuusamareeb, Soomaaliya

______________________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post