741 Views

Ruushka oo gebi ahaanba burburiyay xarunta warshadda sifaynta saliidda

Ruushka oo gebi ahaanba burburiyay xarunta warshadda sifaynta saliidda
____________________________________________________________________________


Axad: April 3, 2022

Warshad saliidda sifeysa oo ku taal bartamaha Ukraine ee magaalada Kremenchuk ayaa gebi ahaanba ku burburtay weerar uu Ruushku ku qaaday xaruntaas, guddoomiyaha gobolka Poltava ayaa sidaa u sheegay telefishinka, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.

“Dabkii ka kacay warshadda sifaynta waa la damiyay, laakiin gebi ahaanba xarunta ayaa baaba’day, mana sii shaqayn karto,” Lunin Dmytro Lunin, guddoomiyaha gobolka Poltava ayaa sidaasi yiri.

Wargeyska The Independent ee ka soo baxa Kyiv ayaa bartiisa twitterka ku soo qoray in weerar gantaal oo ku dhacay warshadda sifeysa saliidda uu burburiyay – oo ah tan ugu weyn Ukraine.

Kremenchuk waa xarun warshadeed oo muhiim ah oo ku taal bartamaha Ukraine.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post