807 Views

Qarax ka dhacay duleedka Muqdisho & faah faahin laga helayo

Qarax ka dhacay duleedka Muqdisho & faah faahin laga helayo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 02, 2021–Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay meelo kamid ah duleedka Magaalada Muqdisho ayaa waxa la sheegay in uu ka dhacay inta u dhaxeysa deegaannada Xaawo Cabdi iyo Lafoole ee duleedka  Magaalada muqdisho, isla markaana lala eegtay Injineerada Turkiga ee dhismaha ka wada halkaas.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay ku warameen in Ruux isku soo xiray waxyaabaha qarxa ay Ciidamada toogteen, markii uu ku dhawaaday Goob ay ku sugnaayeen Injineerada Turkiga & Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya, sidaasina uu ku qarxay.

Wararka horudhaca ah ee la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in qaraxa uu ku dhintay hal askari oo ka tirsan Ciidamada Dowladda halka mid kamid ah Injineerada Turkiga uu ku dhaawacmay.

Dhismaha laamiga isku xira Muqdisho iyo Afgooye ayaa haatan maraya halka loo yaqaan Soos, oo u dhaxeeyso Lafoole iyo Xaawo Cabdi, waxaana amaanka waddada sugaya Booliska sida gaarka ah u tababaran ee  Haramcad.

Wararka kusoo kordha qaraxa kala socda www.radeiorisaala.com

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post