936 Views

Amiirka QATAR iyo madax kale oo Farmaajo iyo Kheyre soo gaarsiiyey dhambaal

Amiirka QATAR iyo madax kale oo Farmaajo iyo Kheyre soo gaarsiiyey dhambaal
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | April 2, 2020 – Sheekh Tamiim Bin Xamd Al-thaani, Amiirka dowladda Qatar ayaa dhambaal tacsi ah u diray Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan Madaxweyne Farmaajo, midaasi oo uga tacsiyadeeyay geeridii xanuunka badneyd ee Alle-ha-unaxariiste Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde).

Tamiin ayaa Alle uga baryey Nuur Cadde in uu naxariistiisa ku galado, isla markaaana uu samir iyo iimaana ka siiyo eheladii iyo qaraabadii uu ka baxay, iyo guud ahaanba Umadda Soomaaliyeed ee meelkasta oo ay joogaan.

Sidoo kale, geerida ku timid Alle-ha-unaxariiste Nuur Cadde waxa dowladda Soomaaliya iyo umaddaba uga tacsiyadeeyay Amiir kuxigeenka Qatar iyo Ra’iisal wasaaraha dalkaasi, Cabdullahi Bin Xamad Al-thaani iyo Khaalid Bin Abdulaziz Al-thaani, iyagoo dhambaal tacsi ah u soo diray Ra’iisal wasaaraha dalka, Kheyre.

Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya, Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa waxa uu ku geeriyooday dalka Ingiriiska, xili uu soo ritay xanuunka dunida faraha kulul ku haya ee Coronavirus.

Madaxda dalka oo uu hormuud u yahay Madaxweyne Farmaajo ayaa iyaguna waxay ka tacsiyeeyen Marxuumka Alle-ha-unaxariiste, iyadoona Madaxweynuhu uu sheegay in Saddex cisho oo baroor-diiq ah loo sameyn doono Nuur Cadde, isla markaana Calanka dalka hoos loo dhigi doono.

Madaxweyne Farmaajo ayaa marxuumka oo ahaa halyeey qaran oo taariikhda ku galay tanaasul iyo nabadeyn, Alle u weydiiyey in uu fadhigiisa ka yeelo Jannatul Firdows, eheladiisa iyo saaxiibadiisana uu ka siiyo samir iyo iimaan.

Nuur Cadde ayaa ahaa ra’iisul wasaaraha dowladdii ku-meel garaka aheyd ee Soomaaliya, intii u dhaxeysay November 2007 iyo Febraayo 2009.

Nuur Cadde ayaa intii uu xilka hayey waxay is-khilaafeen madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed, waxaana loolankaas oo uu ku adkaaday ay qasabtay in madaxweynaha uu xilka iska casilo 29-kii December 2008.

Nuur Cadde ayaa waxaa sidoo kale lagu xusuustaa wada-hadalladii nabadeed ee uu la galay Isbaheysigii Asmara, ee uu hoggaaminayey Shariif Sheekh Axmed, taasi oo hoggaamisey shirkii Jabuuti ee madaxweyne loogu doortay Shariif bishii Janaayo 2009.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment