891 Views

Wasaaradda Caafimaadka Dowlada Galmudug oo tababar Magaalada Dhuusamareeb uga furtay shaqaalaha

Wasaaradda Caafimaadka  Dowlada Galmudug  oo  tababar  Magaalada Dhuusamareeb uga furtay shaqaalaha
____________________________________________________________________________

May 24 2021

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dowlad Goboleedka Galmudug  ayaa tababar  Magaalada Dhuusamareeb uga furtay qaar ka mid ah Shaqaalaha ka howlgala Xarumaha Caafimaadka Deegaannada Galmudug, si sare loogu qaado xirfadda shaqaalaha ka howlgala xarumaha Caafimaadka gaar ahaan, Kahortagida Iyo Maareynta isqaadsiinta xanuunka COVID19.

Tababarkan  ayaa waxaa sidoo kale diirada lagu saaray Kahirgalinta dhamaan goobaha caafimaad habka caalamiga ah ka digtoonaada isqaadsiinsa cudurada, kordhinta wacyigalinta bulshada iyo diyaarinta nidaamka iskuxirka bulshada iyo Xarumaha ku howlan Caawinta bukaanada uu soo ridanayo xanuunka COVID-19, sida uu ugu horeynta faah faahiyay Abdihakim Mohamed Diriye Agaasime qorshaynta iyo siyaasadda ee wasaaradda caafimadka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Dr. Cabdiwali Maxamed Axmed ayaa shaqaalaha ka faa’iideysanaya tababarkan kula dardaarmey in ay Sare u qaadaan aqoontooda maadaama Wasaaraddu diirada saareyso tayeynta adeeg bixinta Caafimaadka iyo kordhinta goobaha bulshadu ka heli karto shaqaale xirfad Sare leh.

Tababarkan ayaa kusoo beegamaya xili wali ay Wasaaradda Caafimaadka Galmudug ku howlan tahay ka hortagida iyo yareynta qatarta COVID-19, isla markaana waxaa ka soo qayb galey in ku dhow 30 ka mid ah shaqaalaha ka howlgala Isbitaalada Gobolada Mudug iyo Galgaduud oo Dhuusamareeb joogaya mudo 6 maalmood ah oo tababarka soconayo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post