1131 Views

DFS oo faragelisey mooshin ka dhan ahaa Madaxweyne Waare

DFS oo faragelisey mooshin ka dhan ahaa Madaxweyne Waare
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –January 1, 2020In ka badan 40 ka tirsan Baarlamaanka Hir-Shabeelle ayaa horey u gudbiyey mooshin ka dhan ahaa Madaxweynaha Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare,waxana oo baxaya warar sheegaya in ay dowladda Soomaaliya faragelisay si aan baarlamaanka loo horgeyn.

 

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Guure oo kamid ah Xildhibaannada horkacaya mooshinka ayaa sheegay inay soo gaartay in dowladda soo faragelisey mooshinka xilka qaadista ah oo ay ka gudbiyeen Madaxweyne Waare.

 

 

 

Sababaha ayuu Xildhibaanka ku sheegay ay dowladda u soo faragelisay mooshinka inay tahay culeyso badan oo dalka ka jira,sida qarixii ka dhacay Muqdisho oo ay dadka badan ku dhinteen iyo dowladda oo ku howlan dhismaha Galmudug.

 

Isaga oo Risaala la hadlayay ayuu sheegay inay soo dhaweynayaan inay mooshinkaas dowladda Federaalka soo farageliso,hayeeshee aysan aqbaleyn in lagu dhaqmo wax kasoo horjeeda Dastuurka dalka.

 

Si kastaba warar soo baxaya ayaa waxaa ay sheegayan in inta badan Xildhibaanadii mooshinka gudbiyey oo badankood ahaa Wasiiro ay mooshinkaas ka baxeen,isola markaana Baarlamaanka aan la horgeyn doonin.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment