1434 Views

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda oo kala hadlay George Conway howlaha horumarinta Qaramada Midoobey ee Soomaaliya

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda oo kala hadlay George Conway howlaha horumarinta Qaramada Midoobey ee Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho, Nofeembar 14, 2018 —Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdulqaadir Axmed-Kheyr Cabdi ayaa xafiiskiisa Wasaaradda ku qaabilay shalay Madaxa Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobey ee Soomaaliya(UNDP) , Mudane George Conway, waxa uu kala hadlay howlaha gargaarka iyo horumarinta ee Qaramada Midoobey ay ka fuliso Soomaaliya.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdulqaadir Axmed-Kheyr ayaa carabka ku adkeeyay laga maarmaanshaha in la xoojiyo iskaashiga wadaagga ah, si loo gaaro halka la hiigsanayo.

Dhankiisa, Madaxa Xafiiska Hey’adda UNDP ee Soomaaliya ayaa waxa uu tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay kala shaqeeyaan hab faa’ido u leh Soomaalida si loo gaaro horumar waara oo kor loogu qaado kobaca dhaqaalaha.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment