1116 Views

War deg deg ah: Diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka oo Duqayn ka gaystay saldhig ay Al-Shabaab

War deg deg ah: Diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka oo Duqayn ka gaystay saldhig ay Al-Shabaab
____________________________________________________________________________

.

Jimco: july 23 2021

Sida ay xaqiijisay Wasaaradda Amniga mamulka Galmudug, diyaarado ayaa duqeyn ka fuliyey saldhig ay Al-Shabaab ku leeyihiin Gobolka Mudug.

Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa xaqiijisay in laba Gantaal oo laga riday diyaarad lagu duqeeyey saldhig ay Al-Shabaab ku leeyihiin inta u dhaxeysa Qeybcad iyo Hareeri dheere oo dhaca Gobolka Mudug.

Sidoo kale Wasaaradda ayaa sheegtay in ciidamada huwanta ay gudaha u galeyn halka duqeynta laga fuliyey.

Wasaaradda ma aysan sheegin khasaaraha ka dhashay weerarka dhanka diyaaradda ah ee lala beegsaday Al-Shabaab.

“ Laba gantaal oo kuwa diyaaradaha laga soo rido ah ayaa lagu duqeeyey saldhig kale oo kooxda Alshabaab ay ku lahaayeen Qaycad iyo Hareeri dheere dhexdooda, waxaana hadda horey u galay ciidamada qaranka iyo kuwa Galmudug” ayaa lagu yiri qoraal lagu soo daabacay barta Facebook ee Wasaaradda Amniga Galmudug.

Sidoo kale Dhawaan ayey aheyd markii duqeyn diyaarado laga fuliyey Degmada Qeycad taasoo sababtay in maleeshiyadii Al-Shabaab ee halkaas ku sugnaa ay isaga baxaan iyadoo hadda ay ku sugan yihiin ciidamada Dowladda iyo kuwa Galmudug.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post