1653 Views

Al-shabaab oo 20 hoobiye ku garaacay tuulada Galgala oo ku taalla buuraleyda

Al-shabaab oo 20 hoobiye ku garaacay  tuulada Galgala oo ku taalla buuraleyda
____________________________________________________________________________

May 25 2021

Wararka naga soo gaaraya gobolka Bari ayaa sheegaya in dagaalameyaasha Al-shabaab ay 20 hoobiye ku garaaceen tuulada Galgala oo ku taalla buuraleyda Calmadow ee gobolka Bari.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in duqeynta uu ku dhintay hal askari oo ka tirsan Puntland.

Tuulada Galgala waxaa ku nool dad tiro yar oo u badan beeraleey iyo ciidamada Puntland oo ku leh saldhigyo ciidan.

Puntland iyo Al-shabaab ayaa tan iyo 2010 ku dagaalamayay buuraleyda Galgala ee gobolka Bari.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post