1296 Views

Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Dowlada oo goor dhawayd ka bilaawday deegaanka Gubadley ee Duleedka Muqdisho

Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Dowlada oo goor dhawayd ka bilaawday deegaanka Gubadley ee Duleedka Muqdisho
____________________________________________________________________________

Isniin: October 11, 2021

  Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Muqdisho, gaar ahaan dhinaca deegaanka Gubadley ayaa sheegaya in goordhow dagaal u dhexeeyo ciidamo ka wada tirsan milatariga dowladda Soomaaliya uu ka qarxay halkaasi

Warar hor dhac ah ayaa sheegaya in dagaalkan uu u dhaxeeyo ciidamo ka  amar qaata Korneyl Saney Cabdulle iyo kuwa kale oo taabacsan Cismaan Xaadoole oo isna ka mid ah saraakiisha milatariga Soomaaliya.

Dagaalkan oo ah mid aad u culus oo la isku adeegsanayo Hubka Nuucyadiisa kala duwan, ayaa waxa uu Xoogiisa ka socdaa halka loo yaqaano Xaawo Casir iyo Suuqii hore xoolaha ee Xirgadheere.

Sidoo kale ma cadda waxa ay isku hayaan ciidamada dagaalamaya, balse waxaa muddooyinkii dambe taagnaa khilaaf culus oo u dhexeeyey Kornley Saney & Xaadoole.

Kala soco Bogan Wixii ku soo kordha arintaas

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post